Ciidamada Dowlada Oo La wareegay Deegaano Ka Tirsan Gobola Jubbada Hoose

 Dowlada KMG Soomaaliya oo shaacisay in ey la wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka jubbada hoose kadib markii ey weeraro gaadmo ah ey ku qaadeen deeganaadaasi.

Afhayeen u hadlay ciidamada dowlada oo magaciisa la yiraahdo Axmed Adan Xirsi ayaa sheegay in ciidanka ey la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka jubbda hoose iyagoo ey kala waregeen kuwa xarakada shabaab.

“Waxaan afka ku heynaa degaanka Xagar hada waxaan gacanta ku heynaa tuulada Madar”

Sargaalkan u hadlay ciidamada dowlada ayaa sheegay baryihi ugu danbeyay in ey gubeen gaadiid ey ka carareen AL-shabaab waa sida uu hadalka u dhigee,waxaa kaloo ino sheegay
masuulkan ka hor inta aan Al-shabaab laga saarin goobahaas in ey dad rayid ah ku laayeen gawaari qaad sidayna ey ku gubeen sida uu u sheegay warbaahinta Axmed Adan Xirsi afhayeen u hadlay ciidanka dowlada KMG.

Axmed Adan Xirsi ayaa waxoo kaloo sheegay in ey mar dhaw la wareegi doonaan deegaanka Xagar oo sheegay in uu yahay meel muhiim u ah A-shabaab hadii laga saarana ey awoodooda sii liidan doonto waa sida uu hadalka u dhagyee.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here