Ciidamada dowlada oo ku soo qabqabtay Xudur dhalinyaro ay uga shakisan yihiin inay ka mid yihiin Alshabaab

Wararka ka imanaya magaalada  Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada KMG ay gacanta kusoo dhigeen dhalinyaro tiradoodu ku dhowdahay afartan oo loo malaynayo inay xubno ka yihiin ururka Alshabaab.

Taliyaha ciidamada dowlada ee degmada Xudur Maxamed Ibrahin Mire ayaa sheegay  in howlgalo ay ka sameeyeen degmada Xudur iyo nawaaxigeeda ay ku soo qabqabteen inka badan soddon dhalinyaro ah oo sida uu sheegay ka tirsan ururka Alshabaab.

Illaa iyo hadda ma sheegin taliyaha ciidamada degmada Xudur sida ay ka yeelayaan dhalinayradan ay soo qabqabteen, hase ahaatee dhowaan ayaa maxkamadda ciidamada laga furay degmada baydhabo ee gobolka Bay iyadoo dhalinyaro lagu eedeynayo inay kamid ahaayeen ururka Alshabaab halkaas xukuno kala gedisan toddobaadkii hore lagu ridey.

Degmada Xudur ee ah magaalo madaxda gobolka Bakool ayaa ka mid ah degmoyinka ay dhowaan la wareegeen ciidamada dowlada kmgaarka ah oo gacan ka helaya ciidamada Ethiopia.