Ciidamada dowlada oo ku dhaawacay magaalada Muqdisho mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliyeed.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka soomaaliyeed ayaa ciidamada dowlada waxa ay ku dhaawaceen magaalada Muqdisho  isagoo  marayay mid wadada Maka Almukaramah ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaankan oo magaciisa lagu sheegay  Xasan Cabdi Aadan (Aalbaro) ayaa  gaari uu watay waxaa rasaas ku furay ciidamo ka tirsan dowlada oo ku sugnaa wadada Maka Al Mukarramah.

Xildhibaankan ayaa ka dhaawacmay lugta isagoo loo qaaday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Xaalada caafimaad ee xildhibaankan ayaa la sheegay in ay wanaagsan tahay sida ay Midnimo.com u xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelada xildhibaankan.

Xildhibaankan ayaa la sheegey in haatan dib loogu soo celiyey gurigiisa kadib markii lagu soo daweeyey isbitaalka Madiina.

Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay in gaariga xildhibaanka rasaas lagu furo. Ciidamada dowlada ayaa marar kale waxa ay dhaawacyo u geysteen xubno kamid ah baarlamanka hase yeeshee dhaawacan loo geystey mudanahan ayaa waxa ay ku so beegmeysaa xilli xiisad dhinaca siyaasadda ah ay ka dhex jirto mudanayaasha baaralmaanka Soomaaliyeed

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii nin xiran dareeska ciidamada uu toogtay weriye Cabdisalaan Shiikh Xasan Xiis isagoo ku gudo jirey howlihiisa shaqo.

Horaantii bishii aynu ka soo gudubnay  ayaa mid kamid ah  xildhibaanada Soomaaliyeed  Aadan Buule Maxamuud waxaa lagu diley degamada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

1 COMMENT

  1. walaahi waan kaxumahay dhaawaca iyo dhimashada soo gaartay ciidamada dowlada in sha allah waa laga guuleysana al shabab
    mar dhaw jab ayey kala kulmaan ciidamada dowlada waana guuleysanaan

Comments are closed.