Ciidamada Dowlada oo Howlgalo ka Wada Xaafadah Degmada Wadajir

Waxaa saaka howlgalo balaaran ay ka soconayaan Xaafadaha Degmada Wadajir, waxaana howlgalkan fulinaya ciidamada qalabka sida ee dalka.

Howlgalka oo hada ka socda Degmooyin ka mid ah Gobolka Banaadir ayaa wararka horu dhac ah waxa ay sheegayaan in Degmada Wadajir uu ka socdo Howlgal culus, kaasoo lagu raafayo dhalinyarada ku nool degmooyinkaasi.

Howlgalka waxaa si wadajir ah u fulinya ciidamada Booliiska, Milatariga iyo Nabad Sugida, waxaana la arkayaa saaka ciidamada oo hal hal u galaya guryaha degmooyinka ay ka socdaan howlgalada.

Mid ka mid ah Hooyooyinka ku nool Degmada Wadajir oo saaka la hadlay warbaahinta Barigaafrika.net ayaa sheegtay in ciidamada Dowlada ay wadaan howlgalo, kaasoo ay ku aruurinayaan dhalinyarada, waxayna hooyadan sheegtay inaysan kala saareynin dhalinyarada.

Ciidamada Dowlada ayaa la arkayaa iyagoo gaadiidka waa weyn ku daabulaya dhalinyarda ay qabtaan, waxaana uu howlgalkan uu ka mid yahay howlgalo lagu xaqiijinao amaanka oo wali aan fari ka qodneyn.

Howlgalkii shalay ay fuliyeen ciidamada qalabka sida ayay ku soo qabteen dhalinyaro kabadan 500, kuwaasoo intooda badan la sii daayay marki lagu waayay dambiyada lagu tuhmayay.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco wararka dambe Insha Allaah.

baaritaano

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here