Ciidamada dowlada oo howlgalo gaar ah ka wada xaafado ka tirsan Muqdisho

Howlgalo balaaran ayey saakay ka wadaan ciidamada dolada KMG Soomaaliya degmooyinka ka mid ah Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay gaar ahaan Ceelasha Biyaha.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay baaritaano adag ka wadaan xaafado ka mid ah degmooyinka Daayniile, Yaaqshiid iyo Heliwaa oo maalmahani laga soo sheegayey amaan darri.

Dadka ku nool meelaha ay howlgalada ka socdaan  ayaa sheegay in saakay aroortii ay ka war heleen ciidamo isugu jira boolis iyo kuwa nabad sugida dowlada oo baarayaha xaafadahooda.

Xaafada Gubta ee degmada Daayniile oo todobaadkan lagu dilay laba haween ah oo masaakiin ah oo ukun iyo waxyaabaha macmacaanka ka iibin jiray ciidamada AMISOM ayaa ka mid ah meelaha ay baaritaanada ka socdaan.

Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in howlgaladi ay ciidamada ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha lagu baaray guryo ay halkaasi ku leeyihiin saraakiil ka tirsan Al Shabab sida Fu,aad Shongole iyo Xasan Daahir Aweys.

Waxa kale oo ay sheegeen in ay kusoo qab qabteen dad ay uga shakisanyihiin in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.