Ciidamada dowlada oo goor dhaweyd gudaha u galay degmada Afgooye

War hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay gudaha u galeen degmada Afgooye kadib dagaal kadib dagaal kooban oo ka dhacay koontarool Baar Ismaaciil.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ay laba jiho kasoo galeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM degmada kuwaasi oo kala ah, xaafada Sagaalaadka iyo wadada aado dhinaca Daafeed.

Magaalada ayaa u muuqato mid iskeed bandoow isu saartay, mana jirto qof socoto iyadoo dadka ay hoosta kasoo xirteen guryahooda.

Waxa ay haatan kusii socdaan ciidamada dowlada saldhiga iyo xarunta degmada oo lagu wado in ay dagaan, sidoo kale AMISOM iyo taangiyadooda ayaa la arkayaa oo ku sugan daafaha iyo dugaha degmada.

Ka hor inta aysan ciidamada is garabsanaya  gudaha u galin Afgooye, waxaa jiray dagaal ka dhacay koontaroolka Baar Ismaaciil halkaas oo ay Al Shabaab dagaal iyo madaafiic kala hortageen.

Wixi kusoo kordha kala soco wararkeena danbe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.