Ciidamada dowlada KMG oo soo badbaadiyey shaqaalihi laga soo afduubay Kenya

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa soo badbaadiyey saakay afar ruux oo ahaa shaqaalo gargaar kuwaasi oo Jimcihi lasoo dhaafay ay maleeshiyo Soomaali ah kasoo afduubteen xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga dowlada KMG Soomaaliya Colonel Abdullahi Moalim ayaa xaqiijiyey in ay kusoo bad baadiyeen shaqaalahan ajnabiga ah kadib howlgal ay ka sameeyeen koonfurta Soomaaliya.

Warkaan oo aan goor dhaw helnay ayaa sheegaya in aysan wax dhibaata ah gaarin la heystayaasha oo u kala dhashay dalalka Canada, Pakistan, Norway iyo Philipine.

Wixi kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.