Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa Kenya Oo Weerar Ku Qaaday Degaanka Xagar Ee Jubbda Hoose

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidamada huwanta iyagoo dagaalka ku qaaday xarakada Shabaab oo ku sugnaay goobtaas.

Weerarka ayaa waxaa qaaday ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya oo is garbinaya iyagoo ku qaaday xarakada Al-Shabaab oo ku sugnaay degaanka xagar.

Wararka qaar ayaa waxey sheegayaan in ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ee qabsadeen deegaanka Xagar inkastoo aan la xaqiijin karin.

Afhayeenka ciidamada Dowlada ee weerarka ku qaaday deegaanka Xagar ee jubbada hoose Col. Maxamed Faarax Daahir ayaa warbaahinta Midnimo  mar ey la xiriirtay u sheegay in Al shabaab ey khasaaro ba’an soo gaarsiiyeen isagoo sheegay in ey ka qabsadeen gawaari iyo maxaabiis isagoo sheegay in ey soo bandhigi doonaan waqti dhaw waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xarakada Al-Shabaab ayaa si rasmi ah uga hadlin dagaalka iyagoo Shabaab ey ka taliyaan gobolada Jubboyinka ayaa ayaantaan danbe dagaalo lla rabo in awoododa lagu wiiqo ey wadaan ciidamada Dowlada Iyo kuwa Kenya oo is garbinaya.

Warar hoose ayaa sheegaya in ciidamada kenya ey dileen seddex ruux oo u dhashay dalka Kenya kuwaas oo ey sheegeen in ey shabaab ku biireen sidaas dartedna ey u tookteen.

Dowlada Kenya ayaa waxey wadaa qorshe ey Al shabaab ku ciribtirto iyagoo magaalada Nairobi ey ka dhacaan qaraxyo waaween kuwaas oo Al shabaab sheegato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here