Ciidamada Dowlada iyo kuwa Kenya oo maray difaaci ugu danbeeyey ee Jidka Kismaayo

Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa sheegay in ay mareen difaaci ugu danbeeyey ee Al Shabab u yaalay wadada aada magaalada Kismaayo.

Afhayeenka ciidamada Dowlada ee Jubada Hoose, Coll. Maxamed Faarax ayaa sheegay in dagaalki ugu cuslaa uguna qasaaraha badnaa ay shalay kula galeen Al Shabab deegaano u dhaw dhaw Kismaayo.

Wuxuu sheegay in afar difaac oo culus oo ay dhigteen dagaalyahanada Al Shabab ay mareen kadib dagaalo qaraar oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo kala gaaray labada dhinac.

“Ogsoonoow difaacyo badan ayey sameeyeen waana jabinay, ugu yaraan afar meel oo difaac ayaan marnay, hada waxay magaalada noo jirtaa wax ka yar 40-km, laakin waxaan kuu cadeynayaa in difaaci ugu danbeeyey aan jabinay,” ayuu yiri.

Inkastoo uu sarkaalkani sheegay in ay ciidamada Dowlada uga dhinteen dagaalkaasi 4 askari, hadana Al Shabab waxay tilmaameen in ay dileen labaatameeyo ka tirsan ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya.

Saraakiisha Dowlada ee ku sugna Jubada Hoose ayaa sheegtay in ay ku dileen dagaalki shalay ee ka dhacay Jubada Hoose ilaa iyo 30 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabab.

Magaalada Kismaayo ayaa saakay laga dareemayaa xaalad dagaal iyo cabsi, iyadoo sida lasoo warinayo ay ka baxeen saraakiishi ugu sareysay oo qaarna aaday dagaalka qaarna la sheegayo in ay baxeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here