Ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopian ah oo gaaray duleedka degmada Diinsoor

Wararka ka imanaya  magaalada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa sheegaya in maanta halkaas ay cabsi dagaal ka jirto kadib markii ay ku soo dhowaadeen ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ciidamada oo aad u hubaysan oo ah kuwa dkgaarka ah iyo kuwa Ethiopia  ay kusugan yihiin meel qiyaastii 20 KM u jirta magaalada Diinsoor.

Dad badan ayaa bilaabay in ay ka barakacaan gudaha magaalada iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in ciidamadii Alshabaab ee halkaas ku sugnaa ay isaga baxeen.

Degmada Diinsoor ayaa waxaa ay tahay magaalo muhiim u ah dhinaca dagaalka iyadoo xad la leh gobolka Sh.hoose iyo gobolka Jubbada Dhexe waxana laga yaabaa in saacadaha soo socda in ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada kumeelgaarka ah ay galaan degmada Diinsoor.

Inkastoo ciidamada dowlada oo garab ka helayaciidamada Ethiopia ay gacanta ku dhegeen deegaano badan oo kamid ah gobolka Bay ayaa hase ahaatee ammaanka deegaanada ay qabsadeen uu yahay mid aan wamaagsanayn,

waxana shalay magaalada Baydhabo ka dhacay qaraxii ugu qasaaraha badnaa ee abid ka dhaca degmada Baydhabo iyadoo ay ku dhinteen in kabadan toban ruux soddomeeyo kalana ay la jiifaan dhaawacyo.