Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanka Leego

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa gaaray deegaanka Leego kadib markii ay ka dhaqaaqeen saldhiga milatari ee Ballidoogle ee gobolka Sh/hoose.

Ciidamada gaaray Leego oo ah deegaan muhiim ah oo ay dad badan ku nool yihiin ayaan kala kulmin wax iskahorimaad ah ciidamada Alshabaab oo hore deegaankaas ugu sugnaa.

Wararka ka imanaya deegaanka Leego ayaa intaa ku daraya in ciidamadan ay fariisimo ka sameysteen halka laga soo galo iyo halka laga baxo magaalada oo ah wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo magaalada Baydhabo.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ayaa qorshahoodu yahay sidii ay u gaari lahaayeen magaalada Baydhabo halkaa oo ay ku sugan yihiin qaar kamid ah ciidamada AMISOM iyo ciidamo Ethiopian isla markaana dowlada ay uga talin lahayd wadada dheer ee isku xirta magaaloyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here