Ciidamada Dowlada iyo Amisom oo Hawlgalada Ka Samayeen Sh.Hoose

Wararka inaga soo garaya number 60-dan dagaal adag dhax maray ciidamada dowlada federalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom o garab ah iyo Alshabaab oo dhinac ah degmada number 60-dan.

Ciidamadda dowladda iyo AMISOM ayaa ku dhaqaaqay deegaanada Ceelsalim iyo number 60-dan halkaasi oo ay ku sugnaayeen Xarakada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu iska hor-imaad ka dhacay kaasi oo u dhexeeyey ciidamadda dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-Shabaab

Macalin Maxamed oo ah guddoomiyaha dhanka ammaanka ee gobbolka Shabeelaha Hoose ayaa Warbaahinta u sheegay in saakay hawlgalada ay qaadeen islamarkaana ay meesha ka saareen Al-Shabaab iminkana ay hada ku sugan yihiin ciidamadda dowladda iyo AMISOM.

Qof ka kamid ah dadka deegaanka Ceelsaliim ayaa  u sheegay in wax khasaare ah aysan geysan iska hor-imaadkaasi.

Askarta dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa wada qorshayaal ay Al-Shabaab kaga saarayaan gobboladda Shabeelooyinka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here