Ciidamada Dowlada ee ku sugan gobolada Jubbooyinka oo Sheegay in ay Qabteen Sarkaal Alqaacida ah

Ciidamada DKGaarka ah ee ku sugan gobolada jubooyinka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen sarkaal ka tirsan ciidamada Alshabaab isla markaana ka soo jeeda dalka Tanzania.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowlada ee ku sugan gobolada Juboyinka ayaa shaaca ka qaaday in sarkaalkan uu kamid ahaa ururka Alqaacida isla markaana xilligii ay qabanayeen uu kugudo jirey howlo sahan ah.

Ninkan la qabtay oo la sheegay in uu yahay nin asalkiisii hore ka soo jeeda wadamada Yurub ayaa la sheegay in uu ku dhashay dalka Kenya balse ku soo barbaaray wadanka Tanzania.

Ciidamada Kenya ee ka mid ah hadda ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa haatan gacanta ku haya ninkan waxan ala sheegay in la geynayo dalka Kenya si halkaas maxkamad loogu saaro.

Ilaa iyo hadda wax war ah  kama soo bixin ururka Alshabaab ee la xiriira ninkan la soo qabtay.