Ciidamada Doowlada oo markale Marko ku dagaalamay

Wararka ka’imaanaya magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabeelada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas dhawaan uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya Ciidan kawada tirsan kuwa doowlada Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa qarxay ka dib markii ciidan watay illaa saddex baabuur oo ku hubeysan noocyada fudud ee hubka oo ka yimid duleedka magaalada ay weerar ku soo qaadeen xarunta maamulka degmada oo ay ku sugnaayeen ciidamo boolis ah.  Ciidanka weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen kuwa militariga ee ku sugan duleedka magaalada Marka.

Goob joogayaal aan qadka taleefanka kula xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay in dagaalka ay ku dhinteen laba kamid ah asrkartii dagaalantay, halka 3 qof oo ay ku jirtay haweeneey suuqa caano ku iibineysayna uu dhaawac halis ah kasoo gaaray.

Labada Ciidan ee uu dagaalka Marko ku dhexmaray, ayaa ka kala titrsan Booliska iyo Milatariga, kuwaasoo maalmo kahor ku dagaalamay koontaroolka laga soo galo magaalada Marka, waxaana dagaalkaas ku dhintay mid kamid ah saraakiisha Ciidamada milatariga.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dagaalkan waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena danbo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here