Ciidamada doowlada oo maanta howlgalo ka sameeyay degmada Af-gooye

Degmada Afgooye ee gobolka shabeelada Hoose,s aakay ilaa iyo xalay waxaa ka socday baaritaano iyo howlgalo lagu sugayo amaanka guud.

Baaritaanadaan iyo howlgaladaan ayaa ka danbeeyay kadib markii shalay halkaas lagu dilay mid kamid ah Ciidamada Nabad Sugida, sidoo kale waxaa halkaas lagu dilay nin isagana wataay gawari nuucada raaxada ah oo shacab ah, waxaana dilay askari katirsan Ciidamada doowlada.

Jawiga degmada Afgooye ayaa shalay ahaa mid aad u qasan, iyadoona halkaas ay dhibaatooyin xoogan ka geystaan Ciidamo katirsan doowlada Soomaaliya.

Ciidamada doowlada ayaa lasoo sheegayaa in howlgalkii ay halkaas ka sameeyeen ay kusoo qab qabteen dad farabadan, kuwasoo ay uga shakisanyihiin ineey katirsan yihiin Al-shabaab.

Dadka reer Afgooye ayaa dhowr mar ka cabtay Ciidamada doowlada oo ay ku eedeeyeen ineey ku hayaan dalal isugu jira dhac, dil iyo kufsi, mana jirto ilaa iyo hada wax ay saraakiisha Ciidamada doowlada ka qabteen arinkan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here