Ciidamada doowlada oo la wareegay Tiyeegloow

Dagaal xoogan ayaa shalay galab iyo xalay ku dhexmaray degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool, Ciidamada doowlada iyo dagaalyahanada ururka Al-shabaab oo magaaladaas gacanta ku hayay.

Dagaalka oo socday mudo 3 Saacadood ah oo xiriir ah, ayaa saraakiisha maamulka gobolka Bakool doowlada Soomaaliya, waxay sheegteen ineey la wareegeen gacan ku heynta degmada oo ay kala wareegeen Al-shabaab.

Isgarsiinta degmada oo hawada ka maqan awgeed ayaa waxa aad u yar faah faahinta laga helayo khasaaraha ka dhashay dagaalka, mana jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada saraakiisha doowlada ee ah ineey shabaab ka saareen degmada.

Degmada tiyeegloow ayaa waxay kamid tahay degmooyinka ugu waa weyn gobolka Bakool, waxaana sanado badan ka talinayay kooxda Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xili magaalada Xudur oo magaalo madax u ah gobolka ay wali maamulaan Al-shabaab, waxayna gacantooda gashay bishii lasoo dhaafay markii ay siaga baxeen Ciidamada Ethiopia.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here