Ciidamada doowlada oo la wareegay deegaan hoos yimaada Oowdiinle

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Oowdiinle ee gobolka Bay oo 30km dhanka Koofur kaga began magaalada  Baydhabo ee xaruunta gobolka, waxaa halkaa maanta la wareegay Ciidamo katirsan doowlada Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada ayaa lasoo sheegayaa ineey weerar ka qaadeen magaalada Baydhabo islamarkaasna ay gacanta ku dhigeen degmada Oowdiinle oo ay horay u maamulayeen Ciidamada dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Sida aan wararka ku heleyno wax dagaal ah kama dhicin degmadaas, hase yeeshee wararka qaar baa sheegaya in meelaha qaar iska hor’imaadyo goos goos ah laga maqlayay, waxaase wararku ay xaqiijinayaan, in Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM ay si buuxda gacanta ugu hayaan degmada Oowdiinle.

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada doowlada ee ku sugan gobolka Bay, ayaa sheegaya in xiligaan ay bilaabatay in Ciidamada AMISOM ay isku balaariyaan degmooyinka iyo deegaanada uu ka koobanyahay gobolka Bay oo ay Ciidamada Ethiopia isku diyaarinayaan ineey ka baxaan.

Dhanka kale majiro wax war ahoo kasoo baxay saraakiisha Al-shabaab oo ay uga hadlayaan la wareegitaanka degmada Oowdiinle ee ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa doowlada ay maanta qabsadeen.

Waa deegaankii ugu horeeyay tan iyo markii ay ciidamada AMISOM ay gaareen gobolka Bay, waxaana maalmihii ugu danbeeyay soo baxayay in ciidamada Ethiopia ay isku diyaarinayaan ineey faarujiyaan gobolada Bay, Bakool, Gedo iyo Hiiraan, halka AMISOM ay iyadana isku diyaarisay ineey la wareegto goobaha ay Ethiopia la baxayso.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here