Ciidamada doowlada oo Gacanta ku dhigay Buur Eyle

1185528_684558638249771_688524714_nCiidamada is garabsanaya oo xalay ka dhaqaaqay magaalada Baydhaba, ayaa isla xalay la wareegay deegaanka Buur Eyle ee isla gobolkaas.

Deegaanka Buur Eyle ayaa 50 km u jirta degmada Buur Hakaba.

Xuseen Maxamed Cali (Maankaalley), guddoomiyaha degmada Buur Hakaba ee maamulka gobolka Baay ayaa warbaahinta u sheegay in ay xalay la wareegeen deegaanka Buur Eyle.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray inay xarakada Al-shabaab ka saari doonaan dhammaan deegaanada ay kaga suganyihiin gobolka Baay, isla-markaana ay hawlgaladu socon doonaan, ilaa iyo inta laga soo afjarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here