Ciidamada Doowlada Iyo Kuwa AMISOM Oo Isku Balaariayay Deegaamo Horleh Oo Hoostaga Degmada Balcad

Korneel Maxamed Maxamuud Saneey oo kamid ah saraakiisha ciidamada Doowlada KMG oo hogaaminaya ciidamada doowlada ee dagaalada kawada Shabeelda dhexe ayaa faahfaahin kabixiyay howlgalo ay saakay ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM kasameeyeen deegaano ku xeeran Balcad.

Col Saney ayaa sheegay, in Ciidamada dowladda howlagalladii ay ka sameeyeen Deegaannada hoostaga Degmada Balcad ee gobolkaasi Sh/dhexe ay ku soo qabqabteen dhallinyaro badan, sida uu hadalka u dhigay, ayna ku wareejiyeen haya’dda nabad sugidda

Dhanka kale maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in xarumo Caafimaad ay ka hergeliyeen Degmada Balcad ee gobolkaasi Sh/dhexe.

Afhayeenka Shabeelaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro, ayaa sheegay in goobaha Caafimaadka ee laga hirgeliyay Degmada Balcad, gacan weyn ay ka geysteen Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Degmadaasi.

Waa markii ugu horaysay oo Ciidamada AMISOM iyo maamulka Degmada Balcad ay halkaasi ka hirgeliyaan goobo Caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here