Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM oo al-shabaab ka qabsaday deegaano cusub

Ciidamada doowlada Soomaaliya oo garab milatari ka helaya kuwa AMISOM, ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay weeraro xiriir ah ku qaadayeen qaybo kamid ah dalka, si ay ula wareegaan deegaano hor leh oo ay hada maamulaan Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkayeen gawaarida qafulan ee AMISOM iyo kuwa doowlada oo gudaha usii galaya magaalada Mahadaay iyo garoonka diyaaradaha Jowhar.

Ciidamada doowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM, ayaa rajeeynaya in si dhaqsi ah ay Al-shabaab kala wareegaan deegaanada weli kujira gacantooda, doowlada ayaa dadaal ugu jirta ineey soo afjarto dhibaatada dalka kajirta gaar ahaan Al-shabaab.

Dhanka kale Ciidamada Kenya oo kamid ah howlgalka AMISOM, ayaa saacadihii ugu danbeeyay la wareegay deegano hor leh kana tirsan Jubada Hoose, gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo “Buula-gaduud” oo 30km dhanka waqooyi kaxigta magaalada Kismaayo, magaaladan ayaa maalmo kahor waxaa maamulayay Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM, ayaa maalmahaan waday wadahadalo ay la lahaayeen odoyaasha deegaamada ay dhawaan ka qabsadeen Al-shabaab, si ay ugala shaqeeyaan sugida amaanka iyo in iskaashi uu dhexmaro dadka deegaanka iyo Ciidamada.

Saraakiisha AMISOM, ayaa wadahadalada odoyaasha dhaqanka u arka xalka ugu wanaagsan oo ay ku kasban karaan kalsoonida shacabka, iyo ineey kala shaqeeyaan amaanka goobaha laga saaray Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here