Ciidamada Doowlada Ciraaq oo Horumar Ka Sameeyay Dagaalka Ramaadi

151223105943_ramadi_aramil_area_640x360_afp_nocreditCiidamada Doowlada Ciraaq oo garab ka helaya maleeshiyada Shiicada, ayaa hormar la taaban karo ka sameeyay duulaan xoogan oo maalinkii 2-aad ay ku hayaan magaalada Ramaadi oo iyadu gacanta ugu jirta ururka Daacish.

Saraakiil dhinaca amaanka ah oo katirsan Doowlada, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Doowlada iyo kuwa maleeshiyada Shiicada ay la wareegeen deegaano hoos taga Ramaadi, sidoo kalena ay kusii siqayaan bartamaha magaalada, halkaasoo iminka dagaal qaraari uu kasocdo.

Sarkaal katirsan Ciidamada Doowlada, ayaa sidoo kale bartiisa Twitterka kusoo qoray, in hada uu dagaal aad u xoogan ka socdo bartamaha magaalada Ramaadi, kaasoo u dhaxeeya Ciidamada is garabsanaya iyo ururka Daacish oo iyagana garab milatari ka helaya maleeshiyo Suniyiin ah.

Sidoo kale sarkaalkaan ayaa qiray inaan la shaacin karin waqtiga rasmiga ah ee lasoo gabagabeeynayo duulaanka Ramaadi, maadaama buu yiri dagaalyahanada Daacish iyo xoogaga suniyiinta ay si aad ah isaga caabinayaan, islamarkaasina ay wadooyinka magaalada soo gala oo dhan ku beereen Miinooyin, taasoo cuuryaamin karta in si deg deg ah loo soo gabagabeeyo duulaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here