Ciidamada DKMG oo sheegay inay dileen tiro Alshabab ah

Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen tiro ka mid ah dagaalyahannada Alshabab kuwo kalena ay soo qabqabteen, ka gadaal markii ay Ciidamadu howlgalo ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Jubooyinka.

Gudoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobalka Jubada Hoose mudane Faarax Ciidle Xaaji oo Warbaahinta gudaha la hadlayay ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada dowladdu ay maalmihii lasoo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo amniga lagu sugayo ka samaynayeen degmooyinka Badhaadhe, Kuul-Biyoow, Dhoobley iyo deegaanno kale oo ay dowladdu gacanta ku heyso kana tirsan gobalka.

Gudoomiyuhu wuxuu carabka ku dhuftay in illaa 15 ka tirsan Alshabab ay ku dileen deegaanadaas intii ay howlgalladu socdeen. Isagoo tilmaamay in dadkaasi la dilay ay ahaayeen kuwo la hubo inay Alshabab yihiin maadaama buu yiri ay Ciidamadu si qof qof ah ay dadkaasi aqoon ugu lahaayeen.

Wuxuu kaluu gudoomiyuhu farta ku fiiqay inay jiraan dad lagusoo qabqabtay howlgalada ay Ciidamadu sameeyeen. Laakin ma uusan cayimin tirada dadka lasoo qabqabtay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu gudoomiyaha degmada Badhaadhe ee dowladda Soomaaliya wuxuu wacad ku maray inay meesha ka saari doonaan Alshabab guud ahaan gobalada Jubooyinkana nabadgaliyo buuxda kusoo dabaali doonaan.

Gobalka Jubada Hoose waxaa ka dhacayay dhawaanahan dagaalo u dhexeeya Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya oo garab ka helaya awoodo isugu jira Shisheeye iyo Soomaali iyo Alshabab oo dhinacyadan ka horjeedda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here