Ciidamada DFS oo shabaab kala wareegay deegaano cusub

Ciidamada Soomaaliya oo ku nasanaya cagaarka iyo geedaha quruxda badan ee Jowhar.
Ciidamada Soomaaliya oo ku nasanaya cagaarka iyo geedaha quruxda badan ee Jowhar.

Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS ayaa howlgal ay waaberigii saaka ka sameeyeen deegaanno ka tirsan  gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay kula wareegeen deegaanka Gendershe oo ah magaalo istiraatiiji ah oo ku taal xeebta islmarakaanaay shabaab saldhigyo ku lahaayeen.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee u dambeeyay ay ciidamada dowladda ku jireen diyaar garow, isla markaana ay markii u horeysay ku guuleysteen inay isku furaan jidka xeebta ee isku xira Muqdisho iyo Marka.

“Howl galkaas diyaar garowgiisa dhowr maalmood ayuu socday, ciidamada magaalada Marka duleedkeeda ayay ka sifeeyeen dhamaan meelaha laga soo agaasimo ismiidaaminta ayaa cagta la mariyay”ayuu yiri C/qaadir Maxamed Nuur.

Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay la wareegeen deegaanada Gendershe, Jilib Marka ilaa Dhanaane oo uu sheegay inay haatan ciidamada dowladda ka dhigteen saldhigooda ugu weyn Gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa ciidamada XDS ku wehliyay cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM, waxaana howlgalkaasi hor kacayay abaanduulaha ciidamada XDS Gen. C/risaaq Qaliif Cilmi oo uu wehliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga.

Abaanduulaha ciidamada XDS Gen. C/risaaq Qaliif Cilmi oo la hadlay Radio Muqdisho isagoo ku sugan deegaanka Gendershe o0 saaka ay ciidamadu la wareegeen ayaa sheegay ineysan wax iska caabbin ah la kulmin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here