Ciidamada DF oo qabsaday qeybo kamid ah Ruunirgood

c5Wararka inaga soo gaaraya caawa gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka Runirgood oo ay ku dagaalameen ururka Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay qeybo ka mid ah la wareegeen degmada Runirgood.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qeybo ka mid ah ay kaga sugan yihiin degmada Runirgood caawa, waxaana la sheegay in ururka Al-shabaab ay halkaasi isaga baxeen.

Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inooo sheegay in xaalada caawa ay tahay mid degan oo cabsi ah aysan jirin.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay wadaan howlgallo ururka Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Shabeellaha Dhexe, waxaana howlagaladaasi ciidamada horkacaya taliyaha ciidanka xoogga dalka Maxamed Aadan Axmed.

Deegaanka Runirgood ayaa dhowaan waxaa ku dagaalamay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-shabaab, waxaana dagaalkaas tirada ku dhimatay lagu sheegay 22 qof oo soo kala gaartay labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here