Ciidamada DF oo howlgalo ka fuliyay suuqa Hubka ee Zobe

askariCiidamada DF ayaa howlgalo ka fuliyay Suuqa lagu iibiyo Hubka sharci darada ah ee Zoobe.

Ciidamada ayaa gudaha u galay Suuqa hubka lagu iibiyo ee ku yaala isgoyska Soope ee degmada Hodan, halkaasoo ay ka soo qab qabteen qaar ka mid ah ganacsatada iyo hubkii ay iibinayeen.

Ciidamada dowladda ayaa gaadiid suuqa Cirtoogte kaga soo qaaday ganacsatadii iyo hubkoodiiba, waxayna ula dhaqaaqeen xarunta hay’adda nabad suggidda ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin tallaabada ay gudaha ugu galeen suuqyada hubka lagu iibiyo, waxayna tani noqoneysaa markeedii ugu horeysay oo ay ku dhaqaaqaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here