Ciidamada DF oo gacanta kusoo dhigay askar 3 caruur ah ku dishay Hodan

62785f5cbf7a493e7e64Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa gacanta ku soo dhigay saddex Askari oo xalay dad shacab ah ku dilay Xaafada Al-Baraka ee Degmada Hodan.
Ciidamada Dowladda oo gacanta ku soo dhigay Saddex Askari oo xalay ku dilay Muqdisho saddex qof..
Ciidamada Dowladda oo gacanta ku soo dhigay Saddex Askari oo xalay ku dilay Muqdisho saddex qof20 April 2016

Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa gacanta ku soo dhigay saddex Askari oo xalay dad shacab ah ku dilay Xaafada Al-Baraka ee Degmada Hodan.

Saddexdaan Askari oo ka tirsan Millateriga Dowladda Somaliya ayaa watay gaari yar oo noocada raaxada ah, waxa ayna xalay fiidkii rasaaseeyeen gaari ay la socdeen dad shacab ah, inkastoo dadkii gaariga saarna aysan waxba gaarin, hadana halkaasi waxaa ku dhintay aba wiil iyo gabar ka mid ahaa dadka deegaanka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, ayaa sheegay ciidamada ammaanka inay ku guuleysteen soo qabashada ragaasi, islamarkaana door ay ka qaateen Saraakiil ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga.

Raggan saddexda ah ayaa waxaa gacanta loo geliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo kiiskaasi si rasmi ah ula wareegay.

Wuxuu sheegay Xalane in maxkamad la soo taagi doono raggaan si loogu qaado kiiska ah dadka rayidka ee ay dileen.

Ciidamada Millateriga ayaa geysta dhacdooyin kala duwan oo ay u geystaan dadka shacabka ah ee Magaalada ku nool, xilli ciidamada ay isku dayayaan in qaar ka tirsan Bulshada ay dhac u geystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here