Ciidamada DF oo dilay xubno sar sare oo al-shabaab katirsan

meydadWararka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in hawlgallo xalay dhacay lagu dilay maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Mid ka mid ah hawlgallada ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Lambar Konton, waxaana dawladdu ay sheegtay in lagu dilay in ka badan 10 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Hawlgalka labaad ayaa mas’uuliyiinta dawladdu sheegeen inuu ka dhacay agagaarka Jannaale kaasi oo ciidamada dawladdu sheegeen in lagu dilay xubno kale oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Dhinaca kalena warar laga helay isla degaanka ayaa sheegay in dad rayid ah ay wax ku noqdeen duqaynta ka dhacday agagaarka Jannaale. Ilaa hadda ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here