Ciidamada DANAB oo la wareegay garoonka Diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf

ciidamada DanabCiidamada Kumaandooska ee loo yaqaan Danab, ayaa xalay waxay ka dageen garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, waxaana la sheegay ineey gabi ahaaanba la wareegeen amaanka Garoonka.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan ayaa fariisin ka sameystay qeyb ka mid ah garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee ay maamusho Puntland.

Dadka ku nool Gaalkacyo ayaa hadal haya ciidamada dul degay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, lamana oga ujeedkooda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka howl galayaan deegaanada Mudug, si ay howl gal uga fuliyaan Koofurta Mudug ee ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab.

Howlihii duulimaad ee garoonka diyaarada C/llaahi Yuusuf ee Gaalkacyo ayaa saaka hakad ku jira, iyadoo maalmihii la soo dhaafay la sheegay inay gaabis ahaayeen diyaaradihii imaanayay garoonka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here