Ciidamada Booliska oo soo bandhigey rag loo haysto dambiyo dilal ah

Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho waxa ay ku soo bandhigeen rag gaaraya 15 ruux oo loo haysto dambiyo ah dil iyo dhac.

Afhayeenka ciidamada booliska Soomaliyeed ahna taliyaha ciidamada dambi barista CID Col C/hi Xasan Bariise oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigey ragan ayaa sheegay in ay yihiin dad xiriir la lahaa ururka Alshabaab laguna soo qabtay howlgalo ay sameeyeen ciidmada booliska magaalada Muqdish.

Col Bariise ayaa waxa uu sheegay in ragan ay ahaayeen dad ka dambeeyey falal dil ah iyo qaar kale oo dhac ka geystey xawaaladaha Muqdisho.

Afhayeenka waxa uu sheegay in ragan markii la soo qabanayay ay ku hubeysnaayeen bastoolado hase yeeshee ma uusan sheegin in iskhorimad uu dhex maray iyaga iyo ciidamadii soo qabqabtay.

Magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxa ku soo badanayay dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah gaar ahaan weriyaasha.

Mana aha markii ugu horeysey ee ay ciidamada soo bandhigaan dad lagu eedeynayo inay xiriir la leeyihiin Alshabab.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here