Ciidamada booliska oo ku soo bandhigey Yaqshid meydka wiil dhalinyaro ah oo ay toogteen ciidamada

Ciidamada booliska ee ku sugan degmada Yaqshid ayaa xalay toogasho ku diley wiil dhalinyaro ah oo ay sheegeen in uu doonayay in bam ku weeraro ciidamada.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa meydkiisa saaka lagu soo bandhigey degmada Yaqshid gaar ahaan xaafada Towfiiq iyadoo halkaas ay gaareen saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada booliska.

Taliyaha ciidamada dambi baarista ahna afhayeenka ciidamada booliska oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigey meydka wiilkan ayaa waxaa ay ku tilmaamay wiilka dhalinyarada ah in uu hore ugu weeraray bambaanooyin ciidamada booliska ayna raadinayeen.

Ciidmada booliska ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay howlgalo ka wadeen magaalada Muqdisho iyagoo ku soo qabqabtay dhalinyaro badan oo looga shakisan yahay in ay ka mid yihiin ururka Alshabaab.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here