Ciidamada Badda Soomaaliyeed Oo Shalay Uadabaal-degay 51 Sano Guuradii Kasoo Wareegtay Aas Aaskooda +Sawiro

Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa shalay u dabaal degay 51 sano guuradii kasoo wareegtay xiligii la’aas aasay, waxaana munaasabadaas kasoo qayb galay wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya. Taliyaha ciidamada Badda Admiral Faarax Axmed Cumar “Qare”  oo khudbd ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in ciidamadu ay soo mareen shan sano oo ay ku dhisnaayeen duruuf adag maantana ay marayaan heer lagu tashan karo haddii loo helo qalabka ay u baahan yihiin. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/kaiin Maxamud Xaaji Fiqi ayaa khudbad uu jeediyay ugu hambalyeeyay ciidamada munaasabadda isagoo caddeeyay in xalka kaliya ee loo heli karo dhibaatada ka jirta xeebaha Soomaaliya ee ay ku jiraan Burcad badeedda uu yahay in la dhiso lana tayeeyo ciidamada Badda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here