Ciidamada Badda Sacudiga Iyo Sudan Oo Wada Samaynaya Dhoolatus

Sarkaal u hadlay Ciidamada Badda Sudan, ayaa sheegay in markii ugu horeeysay Ciidamada badda Sudan iyo Sacudiga ay samaynayaan dhoolatus dhanka badda ah, si loo xoojiyo amaanka gobolka iyo xiriirka labada wadan.

Col. Khaalid Sacdaan, ayaa wakaalada wararka Sudan ee “Sana” u sheegay “dhoolatuska dhanka badda ah ee ay wada bilaabeen labada wadan, waxaa looga gol leeyahay sidii loo xoojin lahaa amanka labada wadan iyo sidii loo hor’istaagi lahaa tahriibinta maandooriyaasha”.

Waa markii ugu horeeysay ee ay labada wadan si wada jir ah Ciidamadooda badda u sameeyaan dhoolatus milatari, waxaana ka qayb qaadanaya laba kamid ah doonyaha dagaalka, waxaana lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo maalinta Arbacada ee soo aadan.

Sarkaal uhadlay Sudan ayaa sheegay in dhoolatuskan wada jirka ah uu kayimid wufuud kasocota labada dhinac oo beryahanbo u kala gooshayay labada wadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here