Ciidamada badda Puntland oo la baxsaday Markabkii MV Daesan

Sida ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta kasoo baxda Puntlnad, waxaa lala baxsaday markabka M.V. Daesan  oo lasoo qabtay bishii lasoo dhaafay ee November xili uu meel u jirta magaalada Bosaaso 13mile ku daadinayey Shimiito xumaatay.

Markabkaan ayaa siday Shamiito ay lahaayeen ganacsato Reer Muqdisho ah, balse diiday inay qaataan Shimiitada kadib markii ay ku xumaatay biyaha bada oo gaaray xamuulkii shimiitada ahaa ee Markabkaasi uu siday.

Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Puntland oo u waramayay warbaahinta ayaa sheegay in shalay gelinikii danbe uu markabka ka furtay xeebta dekkada Boosaaso oo uu ku xirnaa todobaadyadii lasoo dhaafay, ayadoo la xaqiijiyey inay la baxsadeen askartii saarnaa Markabka oo illaalada ka hayey.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa soo baxayay inuu jiro Khilaaf Xoogan oo udhaxeeya, Wasaarada Gaadiidka Puntland, iyo Maxamed Faroole, oo ah madaxa ugu sareeya Ciidamada Badda Puntland.

Khilaafkan ayaa salka ku hayay kadib markii uu Wasiirka Dekkada Puntland Eng.Saciid Raage soo jeediyey in Markabka lagu soo xiro Dekkada Bosaaso, isla markaana shaqaalaha saaran la horgeeyo Maxkamada Bosaso, arrintan waxaa ka horyimid Maxamed Faroole oo asagu amarka ku baxshay in Markabka lagu hayo meel ah duleedka dekkada Bosaaso, markabkana laguma soo xirin dekkada halkaasi oo ay ku hayeen ciidamada hada la sheegay inay la baxsadeen.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa arrintan ku dhex jiray walow aan la ogeyn go’aankii ugu danbeeyey ee laga qaatay sida laga yeeli lahaa lacagtaasi ganaaxa ah ee gaareysa 2 milyan oo dollar.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadeeysa Xili wali ay taagantahay xiisada markabka MV Iceberg 1, oo ay kooxo Burcad-badeedda katirsan ku haystaan Xeebta Garacad, iyadoo wali Ciidamada isku dayayaan ineey soo furtaan balse aan lagu guuleeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here