Ciidamada Badda ee Denmark oo gacanta ku soo dhgiey 16 Burcad badeed ah

Howlgalo ay sameeyeen ciidamada badda ee dalka Denmark ayaa waxa ay ku guuleysteen inay soo badbaadiyeen illaa 12 ruux oo afduub loogu haystay markab ay ka shaqeynayeen xeebaha dalka Soomaaliya.

Ciidamada badda ee dalka Denmark ayaa waxaa u suurtogashay in ay soo qabtaan illaa 16 ahaa burcad badeed muddo bil ah afduubku haysatay markabkan.

Waxaana dadka afduubka ay u haysteen ay isugu jireen dad ka soo jeeda wadamada Iran iyo Bakistaan iyadoo haatan dadkaasi ay wadamadooda ay dib ugu laabanayaan.

Ciidamada badda ee Denmark ayaan wax iska caabin ah kala kulmin kooxdan afduubayaasha ah waxana ay soo qabteen burcad badeeda kadib markii ay is dhiibeen iyagoo aan wax rasaas ah ridin.

Markabka dagaalka ee la yiraahdo Absolon ayaa ay tahay markii labaad ee uu soo qabto burcad badeed iyadoo dhowaan ay ciidamada markabka saaran dileen labo burcad badeed ah qaar kalana soo qabteen kadib markii ay diideen inay isdhiibaan.

Markabka ay burcad badeedu haystaan ayaa waxa uu ahaa mid ay ku doonayeen inay xeebaha fogfog ugaga soo qabsadaan maraakiibta waaweyn si ay madaxfurasho u weydiistaan.