Ciidamada Bada Holland oo xoreeyey kuluumeysato u dhashay Iran

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Holland kana mid ah ciidamada Midowga Yurub ee xeebaha Bada Cas iyo Badweynta Inida ku ugaarsada burcad badeeda Soomaalida ayaa babdaadiyey kuluumeysato u dhalatay dalka Iran.

War kasoo baxay ciidamada bada Holland ayaa lagu sheegay in howlgal uu ka sameeyey meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya markabka Van Amstel lagu sii daayey dooni kalluumeysi oo ay mudo iminka laga joogo 10 maalin afduubteen burcad badeed.

Doonta ayaa waxaa la socday 17 badmaaxayaal Iran kasoo jeeda iyo 11 nin oo looga shakisanyahay in ay ahaayeen bucad badeed kuwaasi oo doonida ku qaraabanayey kuna gaadayey in ay ku afduubtaan maraakiib kale.

Ciidamada ayaa ka helay doonida dhexdeeda hub ay wateen 11 ruux ee Soomaalida ah oo loo maleynayo in ay yihiin burcad badeeda, waxaana lagu wadaa in maxkamad lagu soo taago meel ka baxsan Soomaaliya.

Doonidaan kalluumeysi ayaa waxay burcad badeeda kasoo afduubteen xeebaha dalka Oman, waxayna ku guuldareysteen in ay ku qabsadaan markabka MV Super Lady sagaalki bisha May.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.