Ciidamada AMISOM oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Amaanka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo

Ciidamada AMISOM ee ku suggan magaalada Baydhabo ee xarunta gobbolka Bay ayaa si rasmi ah ula wareegay sugidda amaanka garoonka diyaaradaha magaaladaasi kaasoo ay horay u maamiliayeen Ciidamada Itoobiya ee ku suggan magaalada Baydhaba.

Ciidamada Itoobiya ee horay u joogay garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa inay gabi ahaanba isaga guureen garoonka oo ay degeen xarumo kale oo ku yaalla magaalada Baydhabo.

” Waxaa hadda bilowday qorshaha ay Ciidamada AMISOM ay kula wareegayaan goobaha ay Ciidamada Itoobiya joogaan hadda AMISOM waxay si rasmi ah ula wareegtay garoonka diyaaradaha Baydhabo, Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa xarumo kale ayay degeen,”ayuu yiri mid ka mid ah madaxda gobbolka Bay.

Bishii Febuary ee sanadkii tagay ayay ahayd markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay Al shabaab kala wareegeen magaalada Baydhabo oo ah magaalo muhiim ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here