Ciidamada AMISOM oo qabsaday xerada Laanta Buuro

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya ayaa la wareegay xeradii ciidamada ee Laanta Buuro gobolka Shabeelaha Hoose.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ayaa sheegay in dagaal kooban oo ka dhacay Laanta Buur kadib ay kala wareegeen Al Shabaab, isaga oo intaasi raaciyey in haatan ay ka sameysteen difaacyo.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ilaa iyo 8 ruux oo labada dhinac ah, inkastoo saraakiisha ciidanka dowlada ay sheegayaan in Al Shabab ay ka dileen 7 dagaalyahan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan dagaalada ka dhacay deegaankaasi Laanta Buuro oo u dhaxeeya deegaanada Afgooye iyo Muuri ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here