Ciidamada AMISOM Oo Maanta B/weyne Dhalinyaro Badan Ku Xir Xiray

Wararka ka’imaanaya magaalada B/weyne ee xaruunta G/hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Jabuuti ee halkaas ku sugan howlgalo ay maanta sameeyeen ay kusoo xir xireen dhalinyaro aad ufara badan kuwaasoo lagu eedeeyay ineey qayb kayihiin Al-shabaab.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu soo qabqabtay dhalinyaro gaareeysa ilaa iyo 20 waxaana lagu xiray saldhiga magaalada B/weyne waxaana lagu wadaa baaritaano ku saabsan shaki ah ineey qayb kayihiin Al-shabaab.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan doowlada Soomaaliya oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ciidamada doowlada iyo kuwa Jabuuti ays ameeyeen howlgalkaas.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa kusii daray in ciidamada AMISOM ay ka taageerayaan waxyaabo badan islamarkaasna ay lawareegeen amaanka magaalada.

Magaalada B/weyne ayaa maalmo kahor waxaa kadhacay dilal kala duwan oo loo gaystay 4 qof oo uu kujiro gudoomiyihii odoyaasha dhaqanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here