Ciidamada AMISOM oo gacanta ku dhigay hub ay lahaayeen Al-shabaab

Sida lagu daabacay Jariirada New Vision ee kasoo baxda dalka Uganda, ayaa lagu sheegay in Ciidamo katirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa udhow garoonka Bali-doogle ee gobolka Sh/Hoose, ayaa gacanta kusoo dhigay 4 kamid ah qoryaha fud fudud iyo ku dhowaad 400 kamid ah rasaasta loo adeegsado qoryaha daroon-dooriga u dhaca, iyo waxyabaha qarxa.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee gobolka Sh/Hoose Majer Henry Obo, ayaa wargayska New Vision u xaqiijiyay in askartooda lagu wargaliyay in goobtii hubkaas iyo waxyaabaha qarxa kasoo qabteen ay ahayd goob shabaab ay kasoo abaabuli jireen weerarada dhaba-galka ubadan eel ala eegto Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM.

Inkastoo aysan jirin dad lala soo qabtay Saanadaasi Milatari ayaa sidoo kale taliye Obo uu sheegay ineey siiw adayaan howlgalada looga hortagayo in shabaab ay usuurtagasho weerarada ay la beegsadaan masuuliyiinta iyo askarta doowlada ee isticmaasha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Sh/Hoose.

Taliye Obo, waxaa sidookale uu sheegay in hada meesha ay kasii baxeeyso awoodii Al-shabaab, maadaama laga qabsaday magaalooyin iyo dhulfarabadan, walina lagu raadjoogo meelaha ay ku harsanyihiin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here