Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada oo la wareegay Suuqii xoolaha ee magaalada Muqdisho

Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada ayaa saaka weerar ku qaaday fariisimo ay ciidamada Alshabaab ku lahaayeen degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay la wareegeen suuqa xoolaha iyo xero Maslax oo xarun u ahayd ciidamada Alshabaab.

Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho.

Jugta madaafiicda iyo rasaasta ayaa la sheegay inlaga maqlayo deegaano badan oo dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.

Dadka ku nool degmada Balcad ayaa soo wajahday cabsi iyo walwal kadib markii ay ku soo dhowaadeen jugta madaafiida la is weydaarsanayo.

Illaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan hase yeeshee waxa ay u muuqataa in dhul hor leh ay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ay qabsanayaan.

1 COMMENT

  1. Its great news that Suuqa Xoolaha is now free from Al Qaida. Congratulation Somali National Army and AMISON

Comments are closed.