Ciidamada AMISOM Iyo Kuwa Doowlada Oo Maanta La Wareegay Deegaano Horleh

Ciidamada doowlada Soomaaliya oo taageero Miltari ka helaya kuwa AMISOM, ayaa maanta la wareegay deegaano horleh islamarkaasna ka tirsan Shabeelada Hoose, Ciidamadan ayaa qabsaday degmooyinka Jenaale iyo oow-dheegle iyo sidoo kale tuulooyin hoos yimaada.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose C/qaadir Shiikh Cali Siidii, ayaa warbaahinta u sheegay in weerar qorsheeysan ay ku qaadeen fariisimo ay Alshabaab ku lahaayeen gobolka Shabeelada Hoose, deegaano farabadan oo gobolkaas ka tirsana ay Al-shabaab kala wareegeen.

“Deegaano hor leh ayay la wareegeen Ciidamada XDS, iyo Ciidamada AMISOM, sida degmada Janaalle oo meel muhiim ah noo ah” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Shabelada Hoose.

C/qaadir Siidii ayaa sidoo kale xusay ineeysan la kulmin iska caabin xoogan inta uu socday howlgalkan ay kula wareegeen deegano gobolka Shabelada Hoose katirsan, maamulka Shabeelada Hoose waxay sheegeen ineey u hartay deegaano kooban kuwaasoo dhawaana ay qorsheeynayaan ineey la wareegaan.

“Howlgalka waa soconayaa istaagi mayo, waxaana rajeeyneeynaa jidka isku xira gobolka Shabeelada Hoose iyo Baay sida ugu dhaqsiyaha badan inaan isugu furno” ayuu yiri gudoomiyaha.

Howlgalka Ciidamada AMISOM iyo kuwa doowlada federaalka ay kula wareegeen deegaano hor leh kana tirsan gobolka Shabeelada Hoose ayaa imaanaya xili dhawaan magaalada Shalaan-bood kooxda Al-shabaab ay ku weerareen gudoomiyaha Shabeelada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here