Ciidamada AMISOM oo si buuxda ula wareegay Marka

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada KMG Soomaaliya ayaa goordhaweyd gudaha u galay magaalada Marka halkaas oo ay si buuxda ula wareegeen.

Ciidamada oo marki hore tagay xarunta Ceel Jaalle oo horay ahaan jirtay Akadeemiyad lagu tababari jiray ardayda kasoo qalin jibiso dugsiyada sare xilligi dowladi dhexe ee Soomaaliya ayaa usoo dhaqaaqay gudaha magaalada Marka.

Salaadii duhurka kadib ayey ciidamada isgarabsanaya kasoo dhaqaaqeen deegaanka Shalanbood oo aad ugu dhaw Marka oo caasimad u ah gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo Al Shabab ay saakay ka baxeen intooda badan.

Wararki ugu danbeeyey ayaa sheegaya in ciidamo gaar ah ay haatan ka wadaan howlgalo xaga amaanka ah, waxaa kale oo xaafadaha magaalada sida Saldhiga iyo xarunta degmada ku sugan ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa Milatariga.

Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Adan Xaamud oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in ay la wareegeen magaalada Marka goor dhawna uu war sax ah kasoo saari doono.

Dhanka kale waxaa la sheegayaa in magaalad lagu dilay afar ruux oo rayid ah ka hor inta aysan Al Shabab ka bixin magaalada, dadka la dilay waxaa la sheegayaa in uu ku jiray nin waalan, waxaana dhamaan toogtay dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Xaalada ayaa qasan dadkuna albaabada ayey hoosta kasoo xirteen iyada oo ka baqaya labada dhinac in gudaha magaalada ay ku dagaalamaan.

Wixi warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here