Ciidamada Ahlusunna oo la wareegay deegaanka Wardhuumale

Wararka ka imanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu sunna ay la wareegeen deegaano u dhexeeya degmada Dhuusomareed iyo degmada Ceelbuur.

Deegaanada ay la wareegeen ciidamada Ahlusuna ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Waradhuumale sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha golaha fulinta ee ururka Ahlusuna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow isagoo ku sugan degmada Guriceel.

Shiikh Xeefow ayaa sheegay in deegaankaasi ay gacanta ku dhigeen iyagoo kaashanaya ciidamo Ethiopian ah oo dhowaan soo galay deegaano kamid ah gobolka Galguduud.

Gudoomiyaha golaha fulinta ee Ururka  Ahlu Sunna ayaa waxaa uu sheegay in sababta ay u kaashanayaan ciidamda Ethiopia inay tahay arrimo dhaqaale awgeed.

Guddoomiyaha golaha fulinta ee Ururka Ahlusna ayaa sheegay in ciidamada Ahlusuna ay gacanta ku dhigi doonan deegaano badan oo ka tirsan gobolka Galguduud iyo Hiiraan sida degmada Ceelbuur iyo degmada Maxaas isagoo xusay in ciidamada Ahlusuna oo gacan ka helaya kuwa dowlada Ethiopia ay ku wajahan yihiin deegaanadaas.

1 COMMENT

  1. suufiyaal markay jabilahayen markay qabiil iyo fin keenaan waa naqaan nika filin kaan wato asaga iyo mesha uu koo soo jeedo waa naqaan meel ay kataliyaan oo khayr leh wali lama arag lakiin isku daya meeshaan malahan shabaab waxa islkaleh reer haaji ayagaana difaacayaa lakiin isku day ayeey rabtaa wallllllll odagaan koofida leeh kkkkkkk dhashiiikah yuuu san been kuu sheegin wallllllllllllllllllllllllllllllll

Comments are closed.