Ciidamada Ahlusunna oo Hawlgallo ka Sameeyey Guriceel

Ciidamada Ahlusunna ayaa degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ka sameeyey hawlgallo lagu gaadi goobaayey dhalinyaro hadda ka hor weeraray saldhigga degmadaasi.

Sh. C/wali Xaaji Diiriye oo ah madaxa Arimaha Bulshada ee Ahlu Sunna ayaa waxaa uu sheegay in ay soo qab qabteen ragii geystay weerarkii lagu qaaday saldhiga waxuuna sheegay in ay ahaayeen shan ruux oo ay haatan Gacanta ku hayaan.

Sidoo kale Sh. Cabdi Wali ayaa sheegay in ay ragaani markii ay soo qabanayeen ay wateen Hub iyo Risaas ayna haatan gacanta ku hayaan Maamulka Ahlu Sunna, isagoo hoosta ka xariiqay in ay haatan yihiin Maxkamad sugayaal.

Dhanka kale maamulka Ahlu Sunna ayaa waxaa uu Baaq u jeediyay dadka ku dhaqan Gobolka Galgaduud, waxeyna maamulka ka Codsadeen dadka in ay kala shaqeyaan Ammaanka Gobolka Galgaduud.

Hawlgalka ay Ciidamada Ahlusunna ka sameeyeen degmada Guriceel ayaa waxa uu ahaa mid laga dareemay guud ahaanba degmadaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here