Christopher Katongo oo loo doortay Xidiga Sanadkaan ee Qaarada Afrika

Christopher Katongo oo ah 30 sano jir captain u ah xulka Zambia ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga ugu wanaagsan qaaradda Africa ee 2012 BBC African Footballer of the Year.

Ninkaan ayaa wuxuu abaalmarintaan kaga guuleystay Demba Ba, Didier Drogba, Younes Belhanda iyo Yaya Toure isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee taariikhda abaalmarintaan ku guuleystay kaasoo ka soo jeeda Africa dhankeeda koonfureed.

Codbixinta abaalmarintaan oo ay lahaayeen dadweyne ka soo codeynayay Online-ka iyo kuwo kale oo fariimo soo dirayay ayaa waxey ugu shubeen Katongo oo ka ciyaara horyaalka China gaar ahaan Henan Construction.

Katongo, oo sidoo kale ah askarin ka tirsan ciidamada xooga ee dalkiisa ayaa wuxuu bishii  February ee sanadkaan xulkiisa Zambia u qaaday markii ugu horeysay koobka qaramadda Africa ee Africa Cup of Nations.

Sidii loogu kala guuleystay abaalmarinta BBC

  • 2011 – Andre ‘Dede’ Ayew (Marseille & Ghana)
  • 2010 – Asamoah Gyan (Sunderland & Ghana)
  • 2009 – Didier Drogba (Chelsea & Ivory Coast)
  • 2008 – Mohamed Aboutrika (Al Ahly & Egypt)
  • 2007 – Emmanuel Adebayor (Arsenal & Togo)
  • 2006 – Michael Essien (Chelsea & Ghana)
  • 2005 – Mohamed Barakat (Al Ahly & Egypt)
  • 2004 – Jay Jay Okocha (Bolton & Nigeria)
  • 2003 – Jay Jay Okocha (Bolton & Nigeria)
  • 2002 – El Hadji Diouf (Liverpool & Senegal)
  • 2001 – Sammy Kuffour (Bayern Munich & Ghana)
  • 2000 – Patrick Mboma (Parma & Cameroon)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here