China oo garaadaha ka riftay siyaasi caan ah

Dowlada China ayaa xilki ka qaaday hogaamiyihi xisbiga Shuuciga siyaasiga lagu magacaabo Bo Xilai sida ay kusoo warantay wakaalada wararka ee Xinhua.

Siyaasigani rugcadaaga ahaa oo 62-jir ah ayaa ayaa ka mid ahaa kuwa sida xooga leh loogu saadaalinayey in ay kusoo bixi doonaan mustaqbalka dhaw madaxweynaha dalka Shiinaha sidankaan.

Mas,uulkan ayaa xil ka qaadistiisa loo cuskaday fadeexad kusoo baxday inti uu ku guda jiray socdaal uu ku tagay dalka Mareykanka bishi lasoo dhaafay.

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Zhang Dejiang ayaa badali doona Mr Bo sida ay sheegtay Xinhua.

Xil ka qaadistan ayaa kusoo beegantay hal maalin kadib marki uu soo xirmay Kal fadhiga baarlamaanka dalka Shiinaha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.