Chelsea oo weli doonaysa Macalin Guardiola

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa weli aad u baadigoobaya macalikii hore Barcelona Pep Guardiola’ oo aan hadda shaqo heynin.

Qaar badan oo ka mid jaraa’idka waddanka Ingiriiska ayaa qoray maanta in laga yaabo kooxda in la keeno Guardiola.

Laakin macalinka hadda hoggaaminaya kooxda Rafa Benitez, ayaa waxa la lee yahay wuxuu muuqdaa mid bad-baadi kara, waayo ciyaartii ugu dambeesay wuu badiyay, waxana ay taasi la mid tahay in uu badbaado, sidaas waxa qoray Sunday Express.

Joan Laporta, oo ahaa madaxwaynihii hore ee naadiga Barcelona, ayaa yiri macalinkii hore ee kooxda Guardiola waxa laga yaabaa in uu dib u soo laabto sannadka soo socda, laakin waxan rabaa in aan dib loo arko xirfadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here