Chelsea oo wajaheysa kooxda Man City ciyaar ka dhaceysa New York

Chelsea ayaa shaacisay ciyaar dheeraad ah oo saaxibtinimo in ay la yeelaneyso dhammaadka xilli ciyaareedkan kooxda Manchester City, ciyaarta ayaa la sheegay in ay ka dhaceyso garoonka ciyaaraha Yankee oo ku yaalla magaalada New York ee dalka Maraykanka

Kooxda ayaa horrey u shaacisay ciyaaro ay ku soo ciyaar ay la ballan san tahay kooxda St Louis, taasoo ka dhaceysa garoonka Busch Stadium May 23, laakin hadda waxaa shaacisay in labo maalin kaddib ay ciyaartaas dhici doonto.

Ciyaartan ayaa la sheegay in labada koox ay shacbiyad badan ay ka raadinayaan waddanka Maraykanka, Chelsea sannadkii horre ayey ciyaar kula yeelatay kooxda iskaleh garoonka New York Yankees.

Isu duwaha kooxda Chelsea Ron Gourlay ayaa u sheegay website ka kooxda Talaadada maanta ah in kooxda Chelsea ay dib ugu soo laabaneyso bisha May dalka Maraykanka iyo garoonka Yankee Stadium.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here