Chelsea oo si dirqi ah kaga badisay Sunderland

Chelsea ayaa maanta u dagaalantay guul muhiim aheyd oo ay 1-0 kaga badisay naadiga Sunderland kadib ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Ingiriiska oo ka dhacday garoonka Stamford Bridge.

Goolka oo uu keenay bilowgi hore ee qeybta koowaad waxaa saxiixay Frank Lampard kaasi oo sii xoojiyey sharafta laacibkaan uu ka kasbanayo taageerayaasha Chelsea.

Macalin Andre Villas-Boas ayaa sameeyey is badal aan badneyn marka loo eego kulanki FA Cup ee dhawaan ay ka badiyeen kooxda Portsmouth isaga oo keydka kaga tagay Florent Malouda kaasi oo uu badalkiisana fursadi todobaad siiyey wiilka da,da yar ee reer Spain Oriol Romeu.

Guushaan oo aheyd mid jilba murux ku timid waxay wax yar ka qafiifineysaa macalinka cadaadis ka saarnaa dhanka taageerayaasha, waloow maamulka kooxda uu sii yey codka kalsoonida macalin AVB.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.