Chelsea oo rajo xumo la geliyay iyo Real oo!!!

Kooxda Chelsea ayaa rajo xun ka qabto iney soo gaarto Wareega 8-da ee Champions League kadib markii caawa si arxan daran kooxda Napoli ay u garaacday.

Kooxda Napoli oo garoonka San Paolo ku marti gelisay Kooxda Chelsea oo caawa rajo ka qabtay iney cashar lama ilaawaan ah u dhigto hase ahaatee riyadeedii aysan soo bixin, waxaana 3-1 looga badiyay si xarago leh

Chelsea oo goolkii ugu horeeyay keensatay ayaa waxaa u saxiixay xiddiga reer Spain Juan Mata, hase ahaatee daqiiqadihii u danbeeyay ee lugtii koowaad ayaa waxaa bareejeeyay Ezequiel Lavezzi daqiiqadii 38-aad, daqiiqado kadibna waxaa goolkii labaad shabaqa ku hubsaday E.Cavani.

Guuldaradan ku habsatay Chelsea ayaa waxay sii cakirtayrajada laga qabo kooxaha reer Ingiriis ee tartankan, Tababare Andre Villas Boas ayaa guuldaradani ay u sii kordhineysaa murugo kadib warar maalmahan warbaahinta ay hayeen oo sheegayay in la ceyrin doono.

Dhanka kale kooxda CSKA Moscow ayaa si dirqi ah daqiiqadii ugu danbeysay lugta labaad ku bareejeesay Real Madrid, waxaana goolka bareejada u saxiixay Pontus Wernbloom. Christian Ronald ayaa wareegii koowaad ee ciyaartan gool kaga naxsaday, hase ahaatee daqiiqado kordhintii danbe ay ka faa’iideysteen kooxda CSAK Moscow.